Making Yarra a Great Place Somali
Ka dhigida Yarra Meel Wanaagsan oo lagu Noolaan karo
Making Yarra (25.98kB)
Dadka agagaaraha iyo booqdayaal badan ayaa u yimaada inay ku raaxaystaan baagaga, dukaamada, makhaayadaha, baararka iyo goobaha caweyska Yarra.
Midaani waa u fiican tahay ganacsiga, laakiin mararka qaarkood dhib ayay u keentaa bulshada agagaaraha, sida buuq badan oo abuurma iyo qashin, dad cabsan oo si u xun u dhaqmaya iyo dhib loo geysto hantida.
Qof walba oo ku nol degmada Yarra wuxuu xaq u leeyahay inuu ku qanacsanado gurigiisa iyo bulshada dhexdeeda. Goluhu wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Booliiska iyo Hay’ada Ilaalinta Bay’ada si la isugu dayo hoos u dhigida dhibta iman karta.
Haddii ay ku haysato dhibaato la xiriirta bay’ada, fadlan soo sheeg.
Yaan u dacwoon karaa?
Waa muhiim inaad dacwadaada u gudbiso hay’ada ku haboon, arag shaxda hoos ku oqran oo muujinaysa cidda lala xiriirayo.
Dacwada
Golaha
Booliiska Fiktooriya
Hay’ada Ilaalinta Bay’ada
Buuq guri ka soo baxaya
Dhawaaq muyuusig oo ka imanaya baar/ naadi/makhaayad
Dabeecad, gaf ama cabsi gelin qof khamraysanQof aan qaangaarin oo khamra cabaya
Khasaaraha hanti gaar loo leeyahay
Dhawaaq muyuusig oo ka imanaya jardiinada/baagaga
Golaha degmada
Qashin daadin
Sigaar ku cabida meelaha ka reeban
Koox dhalin yara ah oo wadada maraya
Waxyaalla wadada goynaya
Gaari wadid khatar ah
Dhib la xirirta daroogo
Golaha
Wac 9205 5555, waxaa la helli karaa 24ka saacadood
Booliis
Wac 000
Hay’ada Ilaalinta Bay’ada (EPA)
Wac 1800 35 25 55
Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan ilaalinta tas-hiilaadka neighbourhood, fadlan wac Golaha 9205 5255 ama booqo www.yarracity.vic.gov.au/services. Waxaad kaloo la hadli kartaa qof afkaaga ku hadlaya adigoo wacaya adeega turjubaanka golaha 9280 1940.
Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan adeegyada turjubaanka, fadlan wac 9280 1940 weydiina qoraalka Yarralink ama booqo www.yarracity.vic.gov.au.
Back to top